Haa xadiis baa ku soo arooray lkn ma sugna waa daciif waxa ku soo arooray xadiiska cabdi allahi ibnu mascuud rc oo dhahaya rasuulkaa yiri salalaahu calayhi wasalam ruuxii suuratu waaqica
habeenkasta aqriya baahi iyo faqri waligii ku dhici maayo xadiiskaas ayaa ku soo arooray ma sugna oo waa daciif xadiiskaan waxa soo saaray bayham ibnu shucab ibnu suni sidoo kale al xaarith ibnu usaama binu usnadihi waana xadiis daciif ah waxa daciifiyey a’imada,sida Imaamu axmed abuu xaatim al raazii wiilkiisii cabi raxman al Imaamu bayhaqi iyo kheyrkooda waxay leyihin xadiiskaas ma sugna.saas daraateed waa jiraa xadiis ku soo arooray Lkn ma sugna lagu Camal fali maayo suuratu waaqica fadli gooni ah oo ay quraanka la dheertahay oo soo arooray oo sugan majiro fadligaa quraankaa leeyahay unbay leedahay waa jiraa quraanka Suurado fadli gooni loo sheegay iyo aayadao fadli gooni loo sheegay Lkn iyadu kuma jirto
Wallahu aclam