Ninka ma u bananatahay in carabkiisa galiyo xubinta taranka xaaskiisa?

 Ninka ma u bananatahay in carabkiisa galiyo xubinta taranka xaaskiisa? 

Waxa laga yabaa dad badan oo idinka mid ah in ay su’aasha ka yaq_yaqsateen oo aad la yaaban tihiin bal qaar idinka mid ah  waxa laga yabaa in aad isleedihiin war Maxa waxan masajidka loo keenayaa Lkn in badan oo dadkeena ka mid ah baa masaa’ishaan sameeya oo ay haysataa  qaasatan dadka xoogaa iskoolada dhigtay ee yara ilbaxay.


Ilbaxnimada iyo tignoolijiyada waxaan aduunyada la dhex galay baa waxa soo kordhay dhaqamo fara badan oo laga keenay wadamo kale.

Jawaabteedu waxa waye xubinta taranka kan dumarka ha ahaado ama kan raga ha ahaado Afka looma dhaweyn karayo Maxa yeelay meeshu waa meel wasaq. Waa meeshii nijaasaadka ka soo baxayeen waa meel inta badan Jeermis leh. Meel noocaas oo kaleeto ah afka oo ah meeshii ay calosha wax oga galayeen in lala aado my. Wax kale iskaba dhaafe xubinka markuu kaadshaayo waxa la yiri gacanta midigta haku qabanina af la’aad iskaba dhaafe gacanta midigta haku qabanina 

Mas’aladaas mas’alo sharcan banaan ma ahan waana nooc edeb daro iyo akhlaaq xumo ah waa nooc qaldan oo shareecada qilaafsan ah loogama tala galin Allane tabaaraka watacaalaa xubnaha ayagu isugu tala galay.

Afka xubnihii meesha loogu tala galay ma ahan.


Mas’alada xigta ee raacsan oo aheed ninka xaaskiisa naasaheeda .


Ninka xaaskiisa naaskeeda, taa iyada ah haday noqoto raxaysi dhib maleh taabashada iyo af galinta iyo Sal salaaxida waa nooc raaxaysiga kamid ah wax dhib ah ma lahan.

Culimada waxay ka doodaan kutubta fiqiga ayaa qortay, culimada waxay ka doodaan haday caano ka yimaadaan uu caanihii nuugo oo laqo maka furantay mise kama furmin .

Maka furmaysaa mise kama furmayso sida cadiga ah kama furmayso,maxa yeelay caanuhu waxay saameeyaan ilmuhu inta uu yar yarahay oo naasku nuugaayo oo cunta baranin baa caanuhu uu nuugaayo ay sameyaan.Lkn nin weyn oo gar leh caanuhu ma sameyaan,xurmana kama dhalato.

Asal ahaan mas’aladu waa saas oo caanuhuna wax saameyn kuma yeelanayan Kana furi maayaan xarigana jabin mayaan Saas daraadeed waa raaxaysi oo iska banaan.


Wabilllahi towfiiq..!!

Post a Comment

Previous Post Next Post