Waa maxay janaabo? Sidee looga qubeysta?



Janaabadu waa sifo raga iyo dumarkaba wadagaan waa hadii uu dhexdooda ka dhaco Jamaac ama in manida (biyaha)la is kaga keeno shahwo darteeda walow jamaac ama isku dayid yeyba dhicin labadan arin ayaa la yiraahdaa janaabo hadii labadaba ama mid kamid ah kugu dhaco Waxa waajib kugu ah in aad qubeysato siduu alle Quraanka inoogu shegay( Haday janaabo idinku dhacdo is daahiriya ama is nadiifiya) rasuulkana wuxu yiri (Scw) hadii uu ninka fadhiisto xaaskiisa afarteeda gumadood dhexdeede kadibna uu ku dadaalo micnha uu (Jamaaco) qubeys ayaa ku waajibaya xitaa hadii uusan biyaha ka imaan Ummu suleym Al Ansaari(Rc) waxay tiri rasuul allow allah xaqa Kama xishoodo ee gabadhu qubeys miyaa ku waajibaya hadii ay riyooto rasuulka Waxa uu yiri Haa waa hadii ay  mani ama(Biyo) isku aragto  hadaba su aasha ayaa ah Sidee ugu qubeystaa janaabada


1: waad is tijoonaysaa micnha Waxa iska dhaqaysaa wasaqda manida ama (biyaha) 

2: waad waysaysaneysaa  sida aad salaada aad u way saysato 

3: sedex jeer ayaad madax biyo ku shubaysaa

4: waxad dhaqaysay dhanka midig kadib dhanka bidix 


5: jirkaga oo dhan ayaad biyaha ku wada shubeysaa siduu rasuulka inoo sheegay caaisho Ummu mu’miniin waxay tiri rasuulka Waxa uu ahaa (Scw) markuu janaabada ka qubeysanayo ugu horeyn gacmaha ayuu mayri jiray ama dhaqi jiray kadib gacanta bidix ayuu biyo ku shubi jiray oo farjigiisa ama xubintiisa Taranka ayuu dhaqi jiray dabeetana Wuu waysaysan jiray sidii salaada hadane biyo ayuu qaadan jiray  oo farahiisa tintiisa ayuu gal galin jiray hadane madaxiisa ayuu ku shubi jiray sedex sacab oo biyo ah dabeetana jirka intiisa kale ayuu biyo ku shubi jiray kadib Waxa uu dhaqi jiray luguhiisa

Post a Comment

Previous Post Next Post