Shareecadeena waxay Kala qaadaa labo xaaladood. Xaalad ay duruuf jirto oo ay ruuxa culays iyo duruuf garowsho leh ay haysato iyo mar aan duruuf haysanin oo wax dayacayo diinteena duruufta waay ledahy sida cad. Ninka waajibaadka la saaray duruufi u diiday iyo ninka asiga oo aan duruuf haynin kas u dayacay isku mid ma ahan. Qodobka labaad
xuquuqda xaaska ama dumarka ee biilka iyo marashada,masruufka in habeenkii lala seexdo waa xuquuq ku xidhan iyada iyo raali ahaan shaheeda haday doonto way cafin kartaa haday doonto isagoo dhan bay ka tanaasuli kartaa. Haday raali ku noqoto wax kamid ah in ay qaadato waxna ka tanaasusho way heli kartaa oo ay wanaaga ka gasho waa mida illahay quraanka ku sheegay yacnii intii uu guriga bur buri lahaa in heshiis dhex dhexaad laysugu yimaado oo la isku tanaasulo ayaa qeyr badan. Qisadii sowda xaaskii nabiga sallalhu calayhi wasalam ayaa ayaduna meesha imaanaysa. Al muhiim hadii xaasku raali ka tahay duruufta shaqada keentay mudo dheer baa lakala maqan yahay Iyadii raali bay ku tahay oo duruufta reerka iyo Ninka haysata bay qadarinaysaa Sidaa haday Wax u jiraan wax danbi ah oo Ninka soo gaarayo majiro way banan tahay in alle inta ay raali tahay buu ka maqnaan karayaa xuquudeeda oo ay ka tanaasushay waye iyadoo dhan bay cafin kartaa marka wax danbi ah kama laha