Ugu horeyn salaada janaasada waa (Fardu Kifaaya ) micnaha qaar kamid ah muslimiinta hadii ay ku dukadaan meedka deegaankaas yaaala inta kale waajibka Wuu ka dhacayaa oo wax danbi ah looma qoraayo Laakiin hadii la wayo cid ku tukata ama Jameeco ku tukata meedkaas cudur daar la’aan way wada danbaabayaan dhamaantood.
Fadliga ama ajarka aad ka helayso hadii aad ku dukato janaaso (Abuu hureyra Illaahey haka raali noqodo waxa laga wariyey in Rasuulka scw uu yiri qofkii Xaadiro janaaso hadane ku dukado waxa uu leeyahay buur ajar ah qofkii xaadiro ilaa laga duugo waxa uu leeyahay labo buur oo ajar ah buqaari iyo Muslim )
waxa suno ah in imaamku uu istaago Meydka madaxiisa hadii uu yahay rag hadii ay Dumar tahayna dhabarka ama dhexda ayuu ka istaagayaa sidoo kale waxa suno ah in uu imaamku ka hormaro ma’muuniinta micnaha hortooda uu istaago waa hadii masjidka uu waasic yahay ama meesha lagu dukanayo ay waasic tahay hadii uu ahayna ma’muuniinta waxa ay istaagayaan 𝐈𝐦𝐚𝐚mka dhankiisa midig iyo bidix waxa suno ah sidoo kale qofka dukanaya janaasada in uu gacmihiisa kor u qaado marwalba uu allahu akbar dhahayo sida uu Rasuulka sameyey waxa soo saaray Buqaari iyo Da’uud.
Intaas kadib takbiirta koowaad waxa lagu aqriyaa suuratu faatixa ama (Alxamdu)
Takbiirta labaad waxa lagu aqriyaa saliga Nabiga sida saliga lagu aqriyo atixiyaatka oo kale
Takbiirta sedexaad waxa loogu duceeyaa meydka waxadna dhahaysaa (Allow u danbi dhaaf una naxariiso Caafina allow oo cafi Wanaajina meesha uu dagaayo una waasici meesha uu galayo kana dhaq danbigiisa allow biyo baraf iyo qabow kana nadiifi danbiyada sida looga nadiifiyo marada cad wasaqda una badal daartiisa daar ka qeyr badan iyo ehelkiisa ehel ka qeyr badan iyo xaaakiisa xaas ka qeyr badan Gali janada kana badbaadi cadaabta qabriga iyo kan naarta)
Hadii meydku yahay cunug yar waxad dhahaysaa (allow nooga yeel hormare mid noo saqiirey allow nooga yeel mid Hore mare iyo ajar
Takbiirta afaraad waxad dhahaysaa allow ajarkiisa hanaga hoojin gadaashiisana hana fidnayn dabeetana waad salaama naqsanaysaa.
Wabilahi Towfiiq