Soonka wadaca iyo faa’idada uu leeyahay

 Soonka wadaca ?

Wadacu waa soomida 6 kamid ah bisha shawal ama (soon fur) waana suno mu’akid ah rasuulka (scw) waxa ka sugnatay inuu yiri qofkii sooma bisha ramadan raaciya 6. Kamid ah bisha shawaal wuxuu lamid yahay asiga oo soomay sanadka oo dhan taaasina waxay ku tusinaysaa fadliga uu leeyahay wadaca ramadanka soonkiisa waxu ka dhigan yahay 10bilood soonkooda.wadaca soonkiisana wuxuu ka dhigan yahay 2bilood soonkooda wadarta guud waxay isku noqonaysaa 12bilood soonkooda  ileyn xasanada waxa lagu abaal mariyaa 10 Laab keeda Allah subxaanahu watacaalaa  


naxariistiisa waxa kamid ah lambada Ramadan inta u dhaxeysa dunuubta in uu ku dhaafayo 6 wadaca waa faa’iido iyo ajar dheeraad ah  intaas Hadaa kaga baxno faa’idada uu leeyahay wadaca hadaba waxad u soomi kartaa labo hab midka kuu fudud Aadan jeclaysato Wayne kuu banaan tahay .

 Habka koowaad ayaa ah maalinka ciida kadib in aad bilowdid wadaca aadna xiriiriso 6 maalmood waana sida ugu fadliga badan uguna dhow in uusan ku dhaafin.

Imaamu nababi raximuhu Allah  wuxuu yiri asxabteena waxay yiraahdeen sida fadliga badan waan in la soomaa 6maalmood oo xiriirta maalinta ciida kadib  Lkn haduu xiriirin waayo una dib u dhigo dhamaadka bisha shawaal  way u sugnaanaysaa fadliga raacsiinta Maxa yeelay wuxu raaciyey 6 kamid ah bisha shawaal waxa jira 

Hab labaad oo ah in aad bisha shawaal aad ka soonto 6 maalmood Kaliyah adigoon xiriirinaynin waa Hab macquul ah Lkn digtoonaw habkaan labaad waxa laga yaabaa in uu ku seejiyo wadaca .

Jawaabta oo kooban 6 maalmood waad xiriirin kartaa kala gaar gaarna waad u soomi kartaa hadaba waxa jira quraafaad laga dhaadhiciyey caamada soomaaliyeed gaar ahaan dhalin yarta oo ah qofka haduu mar Bilaabo wadaca in uu San marna dhaafi karin oo uu waajib ku noqonayo sanad walba in uu soomo hadaba midaas waa wax Kama jiraan markaad doonto waad soomi kartaa Hadaadan rabina waad katagi kartaa oo qasab ma ahan  ileen waa suno. Sunaduna ka tagisteeda laguma ciqaabaayo .

Imaamu bukhaari waxa uu ku wariyey kitaabkiisa jaamicu saxiix, rasuulka Scw in uu yiri sameeya acmaasha inta aad awoodaan Lkn ogow waxa wanagsan in Aad joogtayso maadaama uu yahay camal wanagsan intaas oo fadli uu leeyahay .

Rasuulka scw isla xadiith kii hada wuxu ku leeyahay acmaasha joogtada ah ayuu alle ugu jecel yahay haba yaraadeene.

Post a Comment

Previous Post Next Post